Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu cunada ka sooman yahay maalintii afaraad, kadib cadaadis xoog leh oo uu kala kulmay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa Jimcihii maanta sheegay in xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ay tahay mid hubanti la’aana.
Xoghayaha oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa xaqiijiyay in maalintii afaraad uu Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ka sooman yahay cunada, sababo ku aadan dowladda oo cadaadis xoogan ku haysa.
“Hoggaamiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda, Sheekh Mukhtaar, maalintii afaraad ayaa waxaa na soo gaareysa in uu ka sooman yahay cuntadii, taasi oo ku timid cadaadis xoog leh oo kaga yimid dhanka Dowladda Federaalka, oo afduub u haysata muddo hal sano iyo bil ah, taasaa marka waxay keentay Hoggaamiyaha inuu ka soomo raashiinka, muddo afar cisho ah.” Ayuu yiri Xoghayaha.
Sidoo kale, wuxuu yiri “Xaaladiisa runtii hubanti la’aan weeye, dad looma ogolo inay u taggaan. Eheladiisii iyo qaraabadiisiina horaaba loogu diiday inay u taggaan, marka xaalad go’doon ayuu ku jiraa Sheekha, tan iyo intii Ciidamada Itoobiya ay ka soo afduubeen Magaalada Baydhabo, oo Farmaajo loogu keenay Magaalada Muqdisho, xaalad hubanti la’aana ayuu Hoggaamiyaha ku sugan yahay.”
Su’aal ahayd sida ay ku ogaadeen in cunadii uu ka soomay Abuu Mansuur, maadaama aysan jirin cid loo ogol yahay inay la kulanto amaba booqato ayaa wuxuu sheegay in dadka joogga goobta lagu hayo odayga ay soo gudbiyeen wararka ku aadan inuu cunadii ka soomay.
Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin wararka ku soo kordhay xaaladda Abuu Mansuur, oo tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 ku xiran Magaalada Muqdisho.
Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa billo ka hor laga soo wareejiyay xabsigii uu ku xirnaa oo ku dhex yaala Xarunta Nabad Suggida ee Habar Khadiijo, waxaana loogu bedelay xabsi guri.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com