Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Laba gaari oo Al-Shabaab qaraxyo ku soo diyaarisay oo laga hortagay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Jimcihii maanta ka hortaggeen laba gaari oo sida la sheegay ay Al-Shabaab ku diyaariyeen walxaha qarxa.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed (Danab) ayaa hawlgal ay ka fuliyeen Deegaanka Buulo Eyle ee Gobolka Shabellaha Hoose waxay ku burburiyeen gaadiidkan, oo Al-Shabaab ku diyaariyeen walxaha qarxa.

Qoraal lagu baahiyay barta Guutada 16aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Facebook ayaa sidoo kale lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay soddon ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sheegay in hawlgalkan oo ahaa mid dhinaca cirka ah lagu gubay gaadiidkan, laguna dilay soddon Shabaabka ka tirsanaa.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen inay qaraxyadaasi ku laayaan shacabka Soomaaliyeed, balse uu Alle uga mahadcelinayo inay ka hortaggaan.

Taliyaha ayaa xusay in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgalada lagu burburinayo Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada dalka, isla-markaana ay hawlgalada sii wadi doonaan.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa Talaadadii hawlgal dhinaca dhulka ahaa waxay Shabaabka uga saareen deegaano ay ka mid yihiin Baladul Amiin, Buulo Bashiir, Buulo Miskiin, Raqayle, Moradiinle, Sabriye iyo Macalinka. Deegaanadan waxay ku yaallaan Gobolka Shabellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...