Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

UPDATE: Odayaasha beesha degta Dhuusamareeb oo go’aan ka soo saaray xiisada DFS iyo Ahlu Sunna & Xaaladda oo..

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Kulan xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beesha degta Gurceel iyo Dhuusamareeb ayaa lagu soo gaba gabeeyey magaalada Dhuusamareeb.

Kulan ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay doorka ay odayaasha deegaanku ka qaada karaan xal ka gaarista xiisadda siyaasadeed ee kasoo dhex cusboonaatay Ahlu Sunna iyo dowladda federaalka.

Odayaasha dhaqanka ayaa carabka ku adkeeyay inaan la aqbali karin in dagaal ka dhaco magaalada Dhuusamareeb, iyagoo isku dhaarsaday inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadda cakiran ee Ahlu-Sunna iyo dowladda.

Sidoo kale, odayaasha ayaa iska xulay guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaas oo waajibaadkoodu yahay inay soo ogaadaan qodobada heshiiskii ay horay u wada gaareen hoggaanka Ahlu Sunna iyo Xukuumadda Soomaaliya iyo waxa la isku fahmi waayey.

Gabagabadii kulankan, ayaa odayaashu sheegeen, in ay u kuur gali doonaan cidda uu dhankeeda ka fuli la’ayahay heshiiskaas, si loogu cadaadiyo garabkaas inuu dhaqan galiyo heshiiska.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...