UK (Halqaran.com) – Dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda uga digtay u safridda kenya iyo xuduudda Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka ayaa looga digay in muwaadiniinta Ingiriiska ay u socdaalaan dalka Kenya iyo xuduudda ay wadaagaan labada dal Kenya iyo Soomaaliya.
Muwadiniinta ayaa looga digay gaar ahaan in ay u safraan Lamu, Gaarisa iy Tan River, sidoo kalena qiyaastii 60 km ay ka fogaadaan xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay weerarro argagixiso ka fulin karaan goobaha ay isku yimaadaan dadka reer galbeedka ah sida Hotellada, Garoomada, Basaska iyo goobaha lagu caweeyo.
Digniinta loo jeedinayo muwaadiniinta Ingiriiska ayaa ku soo aadday xilli ay sare u kaceen weerarrada ka imanayaa Ururka Al-Shabaab ee ka dhaca gudaha dalka Kenya.
Waxay aheyd toddobaadkii hore markii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar xoog leh ay ku qaadeen Saldhig ay ku wada sugnaayeen Ciidamo Mareykan iyo Kenyaan ah oo ku yaalla Lamu.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com