Tuesday, June 2, 2026
26.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxay isku afgarteen ra’iisul wasaare Kheyre iyo Wakiilka QM James Swan?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalkak ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire James Swan.

Kheyre iyo Swan ayaa waxay Sabtidii ka wada hadleen Doorashooyinka Qaranka ee lagu wado inay dalka ka dhacaan 2020/2021 iyo sidii ay dunida Soomaaliya uga caawin laheyd, sidii ay ku gaari laheyd yoolka uu dalka hiigsanayso.

Wararka ayaa sheegaya in James Swan uu Ra’iisal Wasaare Khayre kala hadlay in aanay doorashooyinka ka dib dhicin waqtigooda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisal Wasaare Khayre uu James Swan u caddeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay inay doorashooyinka ku dhacaan xilligooda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dalka ka waday kulamo ay Madaxda Dowladda iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira ugala hadlayen arrimaha doorashooyinka

Beesha Caalamka ayaa waxay u muuqataa mid soo fara-gelisay arrimaha dalka, ka dib markii ay isa soo tareen walaaca siyaasiyiinta mucaaradka, ee ku aadan inay ka baqdin qabaan in doorashooyinka kadib dhacaan xilligii loogu talagalay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...