Wednesday, September 2, 2026
24.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaa ka ogtahay Ujeedka Safarka Axmed Madoobe ee uu ku aaday Nairobi?

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u ambabaxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mudane Axmed Madoobe ayaa diyaarad gaar ah wax ay ka qaaday Magaalada Kismaayo, waana safarkii ugu horreeyay ee uu kaga ambabaxo Kismaayo tan iyo markii dib loo doortay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu safarkaan ku aaday Magaalada Nairobi uu ku qotomaa sidii uu ula soo kulmi labaay Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Jubbaland iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka oo ka soo horjeestay Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gadaal ka riixeysa xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Gedo, sida ilo lagu kalsoonyahay ay u xaqiijiyeen Halqaran.com.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa isku dayaya inuu xal dhammeystiran u keeno xiisada Gobolka Gedo, islamarkaana uu xaliyo tabashada ay qabaan Siyaasiyiinta Gobolkaasi ka soo jeeda.

Ugu dambeyn, maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal siyaasadeed ka dhashay dib u doorashadii Axmed Madoobe ee Kismaayo dib loogu doortay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...