Monday, May 25, 2026
26.4 C
Mogadishu

In ka badan 20 qof oo ku dhimatay diyaarad rakaab ah oo ku burburtay dalka Kongo

Goma (Halqaran.com) – Shaqaalaha gurmadka ayaa 18 mayd ka soo qaaday meel qashinqubka ah, kaddib markii diyaarad ku burburtay xaafad ay dadku ku badan yihiin oo ku taal magaalada Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo wax yar uun ka dib markii ay duushay Axadii Maanta.

Diyaaradda dhacday waxaa laheyd shirkad maxalli ah oo la yiraahdo Busy Bee, waxa ayna ku sii jeeday magaalada Beni oo qiyaastii 250km dhanka waqooyi uga beegan Caasimda dalkaasi ee Kinshasa, sida laga soo xigtay Gudoomiyaha gobolka North Kivu .

Sarkaal katirsan shirkadda Busy Bee oo codsaday in magaciisa aan warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in diyaaradda burburtay ay ku dhinteen 16 rakaab ah iyo labo shaqaale ah.

Shilalka diyaradaha ayaa ku soo badanaya dalka Koongo, maadaama heerka badbaadada caalamiga ah oo aysan laheyn iyo dayactir la’aanta heysata diyaaradaha ka shaqeeya dalkaas ay arrintaasi sabab u tahay.

Shirkadaha diyaaraha rakaabka iyo kuwa Kaargowga oo ay kamid tahay Busy Bee ayaa laga mamnuucay in ay u duulaan dalalka Midowga Yurub.

Xafiiska  Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...