Muqdisho (Halqaran.com) – Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in DF Soomaaliya ay sameysato muddo kororsi la doonaayo in dib looga dhiggo xilligii doorashada loogu tala galay.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in qorshe kaste oo ku aadan muddo kororsi in uu kusoo dhammaan doono Fashil iyo in laga leexiyo dalka Wadadii uu ku socday loona baahan yahay Mas’uuliyad.
Sidoo kale, madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda hadda jirta ay haysato Waqti ku filan oo dalka doorasho uga dhici karto.
Wuxuu ka digay in dowladda hadda jirta ee uu madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay waqti kororsi ay isku daydo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay, in ay masuuliyadda qaadanayso dowladda Soomaaliya haddii ay waqti korarsi sameyso wixii dalka ka dhaca.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com