Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga qaban qaabada Shirka Beelaha dega deegaanada Maamulka Galmudug ayaa soo saaray habraaca Shirkaasi.
Waxaa Tallaadada Maanta magaalada Dhuusamareeb ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku saabsan diyaargarowga Shirkaasi.
Xubnaha Guddiga ayaa soo saaray Shan qodob oo ay ka kooban tahay Habraaca Shirkaasi loo maraayo, waxayna kala yihiin sidan:-
- Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.
- Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.
- Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.
- Wargelinta iyo Diyaargarowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.
- Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.
Waxaa jira beello qaar ah oo diidan shirkaan, welina lama oga sida uu ku suurageli doono qabsoomida Shirkaan.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com