Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

UPDATE: Habraaca Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo la soo saaray & Xilliga uu furmayo

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga qaban qaabada Shirka Beelaha dega deegaanada Maamulka Galmudug ayaa soo saaray habraaca Shirkaasi.

Waxaa Tallaadada Maanta magaalada Dhuusamareeb ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku saabsan diyaargarowga Shirkaasi.

Xubnaha Guddiga ayaa soo saaray Shan qodob oo ay ka kooban tahay Habraaca Shirkaasi loo maraayo, waxayna kala yihiin sidan:-

  • Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.
  • Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.
  • Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.
  • Wargelinta iyo Diyaargarowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.
  • Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.

Waxaa jira beello qaar ah oo diidan shirkaan, welina lama oga sida uu ku suurageli doono qabsoomida Shirkaan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...