Hiiraan (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan iyo Ciidan uu wato ayaa maanta hawlgal qorsheysan kula wareegay Xarumaha maamulka Gobolka Hiiraan, xilli guddoomiyihii hore uu diiday inuu xilka wareejiyo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii uu watay guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale inay ka dhaqaaqeen xarumaha Maamulka, kadib markii si hoose loola heshiiyay.
Guddoomiye Cali Jayte Cismaan iyo Ciidamadii uu watay ayaa haatan waxa ay ku sugan yihiin Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, halkaasi oo hawlgalka ay kula wareegeen.
Cali Maxamed Caraale Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa wali wuxuu diidan yahay inuu xilka wareejiyo wuxuuna aaminsan yahay inuu isaga yahay guddoomiyaha sharciga ee gobolka Hiiraan.
Si kastaba, Xaaladda Magaalada Baledweyne oo iminka ah mid caadi ah oo aysan dhibaato ka jirin, ayaa haddana waxaa suuragal ah in qalalaaso uu ka dhasho arrimaha ku aadan la wareegista xarumaha Maamulka Gobolka ee Guddoomiyaha cusub uu la wareegay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






