
Baydhabo (Halqaran.com) – Sida wararka nagu soo gaarayo, waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu xiray, xubno si dhow loola xiriirinayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo Xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho.
Xubnahan oo Afar ruux ka kooban ayaa laba ka mida waxaa waaye gabdho, waxaana xabsiga dhigay ciidan gaar ah oo ka amar-qaata Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ciidamadan ayaa waxaa dhawaan tababar u soo gebagabeeyay Ciidanka Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, isla markaana degan Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.
Xubnahan oo dhalinyaro ah ayaa ka tirsan Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda, ee uu hoggaamiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018, ku xabisan Muqdisho.
Ciidamada Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigay Khadar Sheekh Nuur Cali, Maxamed Maxamuud Maxamedow, Maano Arlaadi iyo Daahiro Xasan Aadan.
Sidoo kale, Wararka ayaa intaasi ku daraya, in laba ka mid ah lagu hayo Saldhiga Booliska ee isgoyska Afar Irdood, halka labada kalana loo gudbiyo Gaalshiraha Baydhabo.
Tallaabada Gaalshiraha loogu gudbiyay waxay ku soo aadaysaa, xilli Garsoorka Maxkamadda Gobolka uu fasax ku guda jiro. Sharci yaqaanada waxay ku sheegayan in qof aan la xukumin lagu xiri karin Gaalshiraha Baydhabo.
Mareegta Halqaran.com ayaa ogaatay, in xubnahan qaarkood ay ciidamada beegsadeen, kadib markii ay baraha bulshada saaxiibadood kula wadaageen qoraalo, ay kaga hadlayeen xaaladda Abuu Mansuur, sida hadalka loo dhigay.
Hadalhayn xoog ayaa ka dhalatay markii la sheegay in mid ka mid ah askarta NISA, ee xabsi guriga ku haysa Abuu Mansuur la dilay habeenkii Talaadada, isla-markaana uu dilay askari kaloo ay shaqo wadaag ahaayeen. Tani ayaana lagu qalqal-geliyay amnigii hoggaamiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda.
Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii sheegay in uu fashilmay isku day la doonayay in lagu qaarajiyo Abuu Mansuur.
Wariyeyaasha Magaalada Baydhabo ayaa ku soo warramaya in arrin xasaasi ah ay magaalada ka tahay, marka ay noqoto inay dadku ka hadlaan arrimaha Abuu Mansuur.
Ugu dambeyn, odayaashii Dhaqanka iyo haldoorkii bulshada ee sida kulul kaga hadli jiray xariga Abuu Mansuur iyo sifaha uu Madaxweyne Laftagareen ku yimid Xafiiska Madaxtooyada ayaa muddooyinkii ugu dambeysay noqday kuwo juuqdii gabay, iyagoo markaasi ka cararaya in ay bartilmaameed u noqdaan maamulka.
Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen ayaa lagu dhaliilaa mid caburin iyo dhaqaalo darriba ku soo kordhiyay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





