Thursday, June 18, 2026
25.7 C
Mogadishu

UPDATE: Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii lagu qaaday Garoonka Balli-doogle

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerarkii abaabulnaa ee maanta ay maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana xigay rasaas culus oo labada dhinac is weydaarsanayeen. Dadka deegaanku waxay sheegeen inay maqleen laba qarax oo waaweyn.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Mareykanka ee degan Garoonka Balli-doogle ayaa si adag isaga caabiyay maleeshiyada Al Shabaab, waxayna warar kala duwan ka soo baxayan in Shabaabku gudaha ugu jiraan Garoonka iyo in kale.

Warbaahinta Qaranka ayaa tebisay in labada ciidan ay si weyn isaga difaaceen dagaal-yahanada Al Shabaab, isla-markaana ay dib ugu celiyeen goobihii ay weerarka ka soo qaadeen.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa beeniyay in weerarka uu soo geba-gaboobay, waxayna taasi bedelkeeda sheegeen in rasaasta ay weli ka socoto Garoonka Balli-doogle.

Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsan oo la hadlay Radio Andalus ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen 100 askari, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay ku burburiyeen shan diyaaradood, oo isugu jira Drone iyo Helicopter.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku baahisay barraha taageera ku sheegtay in dagaal culus uu iminka ka soconayo gudaha Garoonka Balli-doogle, dagaalkaana uu u dhaxeeyo iyaga iyo Ciidamada Mareykanka.

Dadka deegaanka ma xaqiijin karaan waxa goobtaasi ka socdo, balse waxay sheegeen in weli rasaas laga maqlayo aagga Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn.

Weerarkan ayaa noqonayo kiisii ugu xooganaa ee Ururka Al Shabaab uu ku qaado Garoonka Balli-doogle, tan iyo markii ay saldhig ka samaysteen Ciidamada Mareykanka ee Somaliya ku sugan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...