Saturday, June 6, 2026
26.3 C
Mogadishu

AKHRI: Mareykanka oo war ka soo saaray weerarkii Garoonka Balli-doogle + XOG CUSUB

Balli-doogle (Halqaran.com) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah ka soo saartay weerarkii ay maanta maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaadiidka walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana xigay dagaal toos ahaa oo maleeshiyada Al-Shabaab ku ekeeyeen Garoonka Balli-doogle, oo Mareykanku uu ku leeyahay saldhigiisa ugu weyn ee Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday Garoonka Balli-doogle iyo qarax kale oo Ciidamada Talyaaniga maanta lagula eegtay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa u qornaa sidatan:-

Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysa weerarada maanta ka dhacay Balli-doogle iyo Muqdisho, waxaana ammaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin Ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Balli-doogle.

Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago weererka fashilmay, oo aanaan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsanahay in aysan jirin khhasaaro ka soo gaaray labadii weerar Ciidanka Xoogga Dalka.

Weerarkan ayaa mar kale muujiyay in Al Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijinaysaa dadaalka xoogan ay siinayso dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed, anago oo gacan ka geysanayno dadaalada wadajirka ah, taas oo lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisidda dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...