Tuesday, August 18, 2026
24.6 C
Mogadishu

UPDATE: Dadkii uu la kulmay Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle ee laga helay Coronavirus oo la baadi-goobayo

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare

Jowhar (Halqaran.com) – Iyadoo wasiir ka tirsan maamulka Hirshabelle ahna Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka maamulkaasi laga helay Cudurka Coronavirus ayaa mas‘uuliyiinta maamulka Hirshabelle waxa ay baadi-goob ugu jiraan dadkii uu la kulmay Xildhibaankaasi.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisa uu raadinayo dadkii uu la macaamilay Wasiirkaasi, si loo karantiilo.

Mr. Waare ayaa xusay, in muhiim ay tahay in la helo dadkii uu xiriirka la sameeyay Khaliif Muumin labadii Isbuuc ee lasoo dhaafay, si loo geliyo xaalad karantiil ah, maadama Cudurka uu yahay mid faafa oo halis ah.

“Waxaan u duceyneynaa in si deg deg ah uga soo kabto xildhibaan Hirshabelle iyo wasiiru dowlihii cadaaladda, Khaliif Muumin Tooxow, oo ah kiiska koowaad ee la xaqiijiyey ee cudurka COVID-19 oo laga helay Hirshabeelle, Waxaan hadda raadineynaa dhammaan kuwa laga yaabo inay la xiriireen isaga muddo 2 asbuuc ee la soo dhaafay, si go’doomin loo geliyo, looguna kuur galo xaaladooda”, ayuu yiri madaxweyne Waare.

DF Soomaaliya ayaa shaacisay in gudaha dalka Soomaaliya laga helay 22 ruux oo qaba Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaa cabsi badan ka jirtaa guud ahaa Soomaaliya, iyadoona walaaca ugu daran uu yahay in cudurka Coronavirus si dhaqsi ah ugu faafo bulshada dhexdeeda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...