
Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta kmg ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya, in ciidamada booliska ee maamulkaasi ay meel fagaaro ah ku gubeen Qaad (Jaad) oo ay gacanta ku soo dhigeen.
Tan iyo markii xayiraad ay dowladda Soomaaliya saartay duulimaadyadii gudaha iyo Dibadda ayaa waxaa jirtay in si dhuumaaleysi ah qaadka lagu gaynaayay Magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya.
Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa shalay galab qaadkaan gacanta ku dhigay, waxaana subixii Sabtida maanta lagu gubay meel fagaaro ah oo magaalada gudaheeda.
Saraakiisha ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay uga digeen ganacsatada in si dhuumaaleysi ah qaadka ay ku soo galiyaan Magaalada gudaheeda, maadaama la mamnuucay jaadka.
Magaalooyin dhawr ah oo ku yaallo bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa jaad kala duwan lagu gubay, kadib markii Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay si adag ula dagaalanto cudurka Coronavirus (COVID-19) oo si weyn saameyn xooggan ugu yeeshay caalamka oo dhan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





