Tuesday, October 28, 2025
25.5 C
Mogadishu

Update: Ciidanka XDS oo deegaanno hor leh kala wareegay Al-Shabaab

Kismaayo (HalQaran.com) – Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada daraawiishta maamulka Jubbalaan ayaa maleeshiyada Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Beer-Xaani iyo tuulooyin kale oo ku dhow dhow oo 90 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbalaan, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay, in ciidamada isgarabsanaya ay ku guuleystay in Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanka Beer-Xaani oo uu tilmaamay in kooxdani ay dhibaatooyin farabadan ku hayeen dadka halkaa ku dhaqan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waayihii dambe la kulmayay weerarro is dabajoog ah oo ay kala kulmayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo suuragaliyay in deegaanno farabdan oo ay horay uga arrimin jireen laga fara-maroojiyo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jira sidii ay si buuxda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen, kaddib ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM sanadda 2021-ka.

Xafiiska HalQaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...