Adis Ababa (HalQaran.com) – Ciidamada ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabtay haweeney uu qabay nin lagu eedeeyay in ay ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii la fashiliyay ee bishii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Amxaaradu ee Itoobiya.
Booliiska ayaa duleedka magaalada Addis Ababa ku xiray Woizero Desta Asefa oo aheyd xaaskii Jeneraal Asaminew Tsige oo ahaa madaxii hay’adda nabad gelyada ee ismaamulka Axmaarada.
Gabadh uu dhalay Jeneraal Asaminew ayaa xaqiijisay xarigga hooyadeed.
Booliska ismaamulka Axmaarada ayaa sheegay in Woizero ay ku jirto gacanta booliska xarigeedana uu la xariiro isku daygii afganbi ee ka dhacay gobolka Amxaarada 22-kii bishii Juun ee sanadkan.
Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay Jeneraal Asaminew inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii ka dhacay gobolka Amxaarada oo ay ku dhinteen Madaxweynihii gobolka Amxaarada iyo la taliyihiisii.
Sadex saacadood kadib dilkii madaxda ismaamulka Axmaarada waxaa gurigiisa lagu dilay Taliyihii ciidanka Milatariga Itoobiya Jeneraal Seare Mekonon oo isku dayay inuu afgambiga ka hortago.
Xafiiska HalQaran.com, Nairobi
halqarannews@gmail.com