UPDATE: Al-Shabaab oo Ciidamo Kenyaan ku dhaawacay Laamu

A Kenyan security person walk past a police vehicle damaged by a blast killing Kenyan police officers at the Garissa county, eastern Kenya, May 24, 2017. REUTERS/Stringer

Laamu (Halqaran.com) – Laba askari oo Kenyan ah ayaa ku dhaawacantay kaddib iska hor imaad hubeysan oo ciidamada booliska Kenya iyo dagaalyahanno Al-Shabaab ka tirsan ku dhex maray ismaamulka Laamu ee dalka Kenya.

Iska hor imaadka ayaa billowday xilli baabuur ay wateen ciidamada Kenya oo roondo halkaas ka sameynayay ay ku qaraxday miino dhulka lagu aasay deegaanka Kiunga.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada booliska Kenya ayaa lagu xaqiijiyay dhaawaca labada sargaal ee Kenyanka ah, iyadoo warbixinta lagu xusay in ciidamadu ay iska caabiyeen weerarka lagu qaaday.

Wararka qaar ayaa tilmaamay in dhaawaca soo gaaray labada askari uu yahay mid halis ah.

Iska hor imaadkan ayaa imaanaya saacado kooban un kaddib markii dowladda Kenya ay ciidamo fara badan kusoo daad gureysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weerarro ka fulisa Kenya kuwaas oo ay uga soo horjeeddo joogitaanka ciidamadeeda gudaha Soomaaliya.

Waxay aheyd 2011-kii markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya si ay ula diriraan Al-Shabaab.
Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan kuwaas oo garabsiinaya dowladda Soomaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.comĀ