Thursday, June 25, 2026
27 C
Mogadishu

UPDATE: Al-Shabaab oo Ciidamo Kenyaan ku dhaawacay Laamu

Laamu (Halqaran.com) – Laba askari oo Kenyan ah ayaa ku dhaawacantay kaddib iska hor imaad hubeysan oo ciidamada booliska Kenya iyo dagaalyahanno Al-Shabaab ka tirsan ku dhex maray ismaamulka Laamu ee dalka Kenya.

Iska hor imaadka ayaa billowday xilli baabuur ay wateen ciidamada Kenya oo roondo halkaas ka sameynayay ay ku qaraxday miino dhulka lagu aasay deegaanka Kiunga.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada booliska Kenya ayaa lagu xaqiijiyay dhaawaca labada sargaal ee Kenyanka ah, iyadoo warbixinta lagu xusay in ciidamadu ay iska caabiyeen weerarka lagu qaaday.

Wararka qaar ayaa tilmaamay in dhaawaca soo gaaray labada askari uu yahay mid halis ah.

Iska hor imaadkan ayaa imaanaya saacado kooban un kaddib markii dowladda Kenya ay ciidamo fara badan kusoo daad gureysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weerarro ka fulisa Kenya kuwaas oo ay uga soo horjeeddo joogitaanka ciidamadeeda gudaha Soomaaliya.

Waxay aheyd 2011-kii markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya si ay ula diriraan Al-Shabaab.
Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan kuwaas oo garabsiinaya dowladda Soomaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...