TOP NEWS: Ururka Iskaashiga Islaamka oo u ololeynaya Xubinnimada JABUUTI ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Jabuuti (Halqaran.com) – Ururka Iskaashiga Islaamka oo magacooda loo soo gaabiyo (OIC) ayaa shaaca ka qaaday, in dowladda Jabuuti uu ku taageerayo daddaalka ay ugu jirto in ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

War ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ayuu ururku ballanqaaday in dowladda Jabuuti ay ku taageerayaan ololaha kursigaas ay ugu jirto, maadama ay xubin ka tahay ururka lana tartamayso Kenya oo aan ururka ka mid ahayn.

Todobaadkii la so dhaafay labada dal ee Jabuuti iyo Kenya oo u baratamay xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa looga adkaaday Jabuuti oo heshay 13 cod halka Kenya ay heshay 37 cod.

Ururka ayaa xubnaha 57 dal ee xubnaha ka ah ku boorriyay in ay garab siiyaan hanka Jabuuti oo aan wali ka rajo dhigin xubin ay ku yeelato Golaha Ammaanka kuna matasho Bariga Afrika.

Waddamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa dowladda Jabuuti ka caawin kara xubinnimada marka la gaaro codeynta Qaramada Midoobay oo dhammaan dalalka xubinta ka ah ay si kama dambeys ah ay ugu codeyn doonaan kursiga ay ku tartamayaan Jabuuti iyo Kenya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com