Monday, May 18, 2026
27.3 C
Mogadishu

TOP NEWS: Duqa Muqdisho ‘Finish’ oo ku dhawaaqay go’aan farxad geliyay Shacabka Muqdisho (Ogow Wax badan)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa sameeyey ballaan qaad farxad geliyey shacabka Muqdisho.

Cumar Finish ayaa sheegay in uu si deg deg ah ku furi doono jidadka xiran ee Muqdisho, islamarkaana uu muhiimada saarayo dhaq dhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka.

AKHRI – Breaking News:

DEG DEG: Ciidamo ka socda AMISOM oo caawa la wareegay xarumaha ugu muhiimsan Dhuusamareeb +War cusub!


”Waxaan hortiina ka balan qaadayaa in maamulkaygu shaqadiisa mida ugu muhiimsan ay tahey in aan laamaha amaanka kala shaqayn amaanka magaalada Muqdisho, waxaan si deg deg ah u furi doonaan wadooyinka kala xiran ee Magaalada.” ayuu yiri Duqa Muqdisho Cumar Finish.

Sidoo kale, wuxuu xusay in uu ku shaqayn doono lix tiir oo muhiim u ah horumarka gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan.

DAAWO MUUQAALLO KALE , Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



”Waxaan u caddaynayaa bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Banaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah.” ayuu intaasi ku daray guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Finish, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka dalbaday inay la shaqeeyaan maaamulkiisa, kuna garbsiiyaan xoojinta nabad geylyada.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...