Friday, May 15, 2026
27.4 C
Mogadishu

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo shaqada ka joojiyay taliyihii Xabsiga dhexe, kaddib markii uu..

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyey in Shaqada ka joojiyeen Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kaas oo eedeyn loo jeediyey.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa kaasi oo kadib dhintay.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ah taliyaha xabsiga dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay in ruuxaas, oo ku xukunaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, isla markaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga daba tagay.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Shaqada laga joojiyey taliyaha Xabsiga Dhexe,isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska loo heysto.

Ruuxa Bukaanka ah ee Xabsiga ku geeriyooday ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow, waxaana eheladiisa ay sheegeen in aan meydkiisa la’aasi doonin ilaa iyo inta cadaalad ay ka helayaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...