Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Siyaasi CCWarsame ”Shaqaalaha Rayidka iyo Saraakiisha NISA halis ayay ku jiraan”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame /Sawir Hore/Keydka Halqaran.com

Muqdisho (Halqaran.com) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku eedeeyay Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya inay uruurisay xogta Shaqaalaha iyo Saraakiisha Ciidanka, arrintaasina ay tahay mid halis ah.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa xiriirka bulshada ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ku yiri.

“Waxay xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka ii xaqiijiyeen in Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay bilihii la soo dhaafay ku hawlanayd ururinta xogta shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidanka. Waxay qof walba ka qaadayeen magaciisa, magaca labadiisa waalid, sawirkiisa, muuqaal hoyga uu degganyahay ah, saaxibbadiis, taariikhdiisa nololeed, dadka ehelkiisa ah IWM.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay xogta NISA ay uruurisay in loo gudbiyay Al Shabaab, isaga oo arrintaasina ka soo xigtay Taliye Ku xigeenkii hore ee Nabad Suggida Cabdalla Cabdalla.

“Waxaa soo baxaysa in xogtaas ay u gudubtay Al-Shabaab. Sida uu sheegay taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda NISA Mudane Abdalla Abdalla, waxaa guryohooda loogu tegey saraakiil NISA ka tirsan, laakiin xilligaa ka maqnaa hoygooda.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay haddii xogtaas ay helaan Shabaab halis ay ku jiraan Shaqaalaha rayidka & Saraakiisha NISA.

“Haddii xogta ku saabsan shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiisha ciidanka si wadashaqeyn ah loogu gudbiyey Al-shabaab iyo haddii ay si kale ku heleenba waa halis amniga Qaranka dalka soo foodsaartay.”

“Waxaan haddaba ugu baaqayaa xildhibaannada in ay arrinkaas baaritaan ku sameeyaan. Sidoo kale Xisbiyada siyaasadda iyo warbaahinta waa in ifiyaan halista uu arrinkaasi yeelan karo. Hay’adda Nabadsugidda waa in caddeyn ka bixisaa arrinkaas.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...