Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Maxay kawada  hadleen taliyaha booliska Somaliya iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka?

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa ka wada hadlay arrimaha ku saabsan ammaanka doorashada la filaayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta kulan ka yeeshay arrimaha doorashada dalka ee soo socota iyo doorka ay ka qaadan karaan ciidaamada ammaanka gaar ahaan, kuwa Booliska.

Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo doorasho ku dhacdo xaalad nabadgelyo leh.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay inay ciidamada xilli waliba u diyaarsan yihiin suggida ammaanka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Yarey ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee Ciidamada Booliska uga shaqeeyan suggidda ammaanka dalka.

Ugu dambeyn, waxaa socda qorshaha loogu diyaargaroobayo in dalka ay ka dhacdo doorasho, inkastoo aanan la ogayn nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa 2020/2021.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...