Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

Simon Mulongo” oo ka hadlay sababta loo ceyriyay.

Muqdisho (Halqaran.com) –Ku-xigeenkii Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ee maalin kahor dowladda Federaalka Soomaaliya ka ceyrisay dalka ayaa ka hadlay Go’aanka ay gaartay dowladda ee ay dalka ugu ceyrisay, una qabatay muddo toddobaad inuu ku baxo.

 

Waxaa uu sidoo kale uu tilmaamay in wadada lagu cayriyay ay aheyd mid aan laga bixin wax faahfaahin ah, islamarkaana uu la yaabay.

“aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.” Ayuu yiri Simon.

Simon Mulongo oo ah diblomaasi u dhashay dalka Uganda ayaa sheegay in uusan ogeyn qalad uu sameeyay, isla markaana la socon faragelinta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay ee aheyd inuu faraha kula jiro Arrimo ka baxsan waajibaadkiisa.

Isaga oo sii hadlaayay Simon Mulongo ayuu sheegay in ka jawaabidda go’aanka dowladda Soomaaliya ee dalka uga ceyrisay inay arrintaas u taallo hoggaanka Midowga Afrika ee uu isaga uu ka tirsan yahay, kana soo jeedo dalka Uganda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Mulongo uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharciga loo igmaday ee uu dalka ku joogo, isagoo xusay in uu horey u qabay digniin dhowr ah balse hadda ay Dowladda ka qaadatay go’aan cad oo ah in uu dalka uga baxo muddo todobaad ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...