Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho (HalQaran.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha Qurba joogta Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa waxa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo kala socday bulashda qeybaheeda kala duwan, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlamaan,Bulshada rayidka iyo Qurbe joogta Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac oo shirka furay, ayaa sheegay in qurba joogta ay kaalin muuqato ka qaateen dib u dhiska dalka,waxa uu sheegay in ay qabaan baahiyo kala duwan una baahan in xal loo helo

“Waxaa jira Dad badan oo Soomaaliyeed oo dhibaato nolol xumo iyo sharci la’aan ah ay ku haysato dalalka ay joogaan dadaal ayaan ku bixin doonaa si wax looga qabto” sidaa ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa inta u socdo looga hadli doonaa Arrimaha la xariira siday qurba-joogta Soomaaliyeed door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Hanaanka Dowlad dhiska Soomaaliya kan Dhaqaale abuurka bulshadda iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiya ay qabaan Qurba joogta Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...