Tuesday, October 28, 2025
27.8 C
Mogadishu

Shir looga hadlayo Argagixisada oo ka furmay Nayroobi

Xoghayaha guud ee Jumciyadda Qaruumaha Ka Dhexeysa Mudane Antonio Guterres ayaa maanta oo Arbaco ah furay shir looga hadlayo la dagaallanka argagixisada oo maanta ka furmay magaalada Nayroobi.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ka qeyb gali doona dalal iyo hay’ado kala duwan oo soo bandhigaya wadiiqada ugu habboon ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Madasha shirka waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal uu halkaa ku marti geliyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Soomaaliya oo aan xiriir wanaagsan la lahayn Kenya waxaa shirkaasi ku matalaya la taliyaha arrimaha amniga madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Cali.

Shirkan ayaa ah mid muhim ah, iyada oo uu kusoo aadayo xilli kooxda ka faalloota xasaradaha dunida ee ICG ay baahisay bishii Sebteembar ee sadkii tagay warbixin ay ku sheegeen in kooxda al-Shabaab ay halis ba’an ku heyso dalalka dhaca Bariga Afrika.

Marka la eego xudduuda ay la wadaagto Soomaaliya iyo ciidamadeeda oo ka mid ah kuwa nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya Kenya ayaa ah dalka ugu badan ee Bariga Afrika ee wajahaya halista weerarrada al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...