Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

Shirkii looga hadlayay dhammeystirka dastuurka KMG oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeysay shir wadatashi ah oo ku saabsan dhammeystirka Dastuurka KMG ah kaas oo ay layeelatay aqoonyahanadda Soomaaliyeed.

Kullankaas wadatashiga ah ayaa socday muddo labo cisho ah waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka iyo sidoo kale qodobadda u baahan wax ka badalka.

Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuur oo soo xiray kullanka wadatashiga ahaa ayaa sheegay in aqoonta dadka Soomaaliyeed loo baahan yahay gaar ahaan dadka Waxbarashadoodu heerka sare tahay.

“Waxaan u baahanahay aqoonka ku jirta Aqoonyahanada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan maxaa yeelay waxaa ku jira wax badan oo aan dhexdeena laga heleyn sidoo kale faa’iido badan ugu jirto dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya.

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay u soo dhammeystiri laheyd Dastuurka KMG ah kaas oo hadda meel wanaagsan maraya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...