Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Wasiirka Maaliyadda iyo Duqa Muqdisho oo maanta xariga ka jaray xarumo canshuuraha lagu qaadi doono (SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud (Cumar Filish) ayaa si Wadajir ah xariga uga jaray xarumaha canshuuraha.

Wasaaradda Maaliyadda dalka ayaa dhismaha xarumahaan ka hirgalisay degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag.

Xarumahaan ayaa looga faa’iideysan doonaa arimaha la xiriira qaadista canshuuraha ku waajibay muwaadiniinta ku nool caasimadda dalka, si dalku u sameyo horumar dhaqaale.

Wasaaradda maaliyadda dalka ayaa sanadihii u dambeeyay laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan dib u dhiska xarumihii u gaarka ahaa arimaha canshuuraha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...