Sunday, May 3, 2026
28.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Shir looga hadlayo Amniga guud ee dalka oo maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Shir looga hadlayo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Axmed Cabdi Kooshin oo furay shirka ayaa sheegay in shirkaan lagu xoojin doono wadashaqeynta Wasaaradda amniga iyo dowlad goboleedyada, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in shirkaan ay kasoo baxaan qodobo waxtar u leh Ummadda Soomaaliyeed.

Shirkaan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa ka qeyb gelaya Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha amniga maamul goboleedyada, Gobolka Banaadir, Boliiska Amisom iyo Mas’uuliyiin ka socta beesha caalamka.

Wasiirka Amniga gudaha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaan shirkaan ka qayb galin furitaan shirka maadaaba Maanta looga yeeray Xarunta Golaha ee barlaamka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, shirkaan ayaa lagu wadaa in maalinta Isniinta barri ah lagu soo gabagabeeyo Magaalada Muqdisho, iyada oo war Murtiyayeed laga soo saari doono wax yaabihii looga hadlay shirkaan mudda laabada maalina ka soconaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...