Sareeye guute Farxaan Qaroole oo ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaan hoos yimaado Basra.

Muqdisho(Halqaran.com) –Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Benaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo loo garan ogyahayFarxaan Qarole ayaa lagu dilay Maanta qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Talyaha iyo Askarta ay ku sugnaayeen Tuullo lagu magacaabo Buundaale oo hoos timaada deegaanka Basra ee Xaduuda la leh Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

G/le Sadiiq Duudishe  oo ah Afahayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya yaa tacsi u diray Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii halkaa kula geeryootay qaraxaasi.

“Waxaan ilaahay u weydiinaynaa naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ilaahay ha u booga dhayo. Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecindoonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, iyaga oo sheegay in uu Sarkaal muddo u Shaqeeynayay Qaranka.

Farxaan Qaroole waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda agagaarka Basra.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com