Sunday, April 19, 2026
29.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo xilka ka qaaday wasiirka Arimaha dibada asaga oo magacabay mid kale.

muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda loogu magacaabay inuu noqdo Cabdisaciid Muuse Cali, isagoo bedelaya Wasiir Maxamed Cabdirisaaq,Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah:

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo sido kale  Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen (Badni)  oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska.

ugu dambeyntii,tallaabadan xilka qaadista iyo magacaabista  uu sameeyey Rooble ayaa aheyd mid ku timid si lama filaan ah, isla-markaana kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyin.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...