Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

RW Rooble oo shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyay maalinta calanka. (Maxuu Yari?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo saaray qoraal ayaa waxaa uu sheegay in maalintaan qiimaha badan uu umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayo, waxaana sidoo kale uu umadda Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan uu u rajeeyay nabad waarta iyo Xasilooni.

“Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor. Calankeenna ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu dambeyn Maanta oo ay Taariikhdu  tahay 12Ka October ayaa waxaa ay ku began tahay 67 sano guuradii kasoo wareegatay Calanka Soomaaliyeed, waxaana 12-kii October sanadkii 1954-tii ay aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...