Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wasiirada, Maaliyadda, Caafimaadka , Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kulanka ay uga wada hadleen abaaraha kajira meelo kamid ah Jubbaland iyo sida dadka ay saameysay loogu gurman lahaa.
Hay’adaha Samafalka, Mas’uuliyiin kala duwan ee Dowladda, qaybaha Bulshada & Cid weliba oo gacan ka geysan karta ayuu ka dalbaday in kaalin ka qaadato si loo gacan qabto qoysaska abaartu saameynta taban ku reebtay.
“Xaqiiqdii dhowaaqa na soo gaaraya aad ayuu u sarreeyaa, sidaas darteen waxaan go’aansanay in aan billowno sidii aan uga qeyb-qaadan laheyn badbaadinta shacabkaas Soomaaliyeed oo ku tabaaleysan deegaanada hoostaga Jubbaland” ayuu yiri RW Rooble
Sidoo Kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Maalmaha soo socda si deg deg ah u bilaabi doonaan gurmad kala duwan oo la gaarsiin doono dadka ay abaartu ku sameysay maamulka Jubbaland , wuxuuna Shacbaka Soomaliyeed uu ugu baaqay inay ka qyeb qaataan gurmadka dadkaasi.
Ugu dambeyntii Qaar kamid ah degaano iyo degmooyin kuyaalla Jubooyinka ayaa waxaa xilligaan kajira abaar aad u baahsan oo aad u saameysay dadka iyo xoolaha intaba, waxaana dhawaan qeylo dhaan ka muujiyay Madaxwqeyanaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





