Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Qarax weyn oo ka dhacay Kismaayo iyo weerar toos ah oo socda

Kismaayo (HalQaran.com) – Qarax xooggan oo gilgilay ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar u ah maamulka Jubbaland.

Wararka ay helayso HalQaran.com, ayaa sheegaya, in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Hotalka Mariidiyaanka ee Ex-Cas-caseey oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay HalQaran.com, in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay maleeshiyaadku ku weerareen Hotelka ka horta inta aysan rag aad u hubeysan hotelka gudaha u gelin.

Jawaab ded-deg ah oo ay ka bixiyeen ciidamada ammaanka Jubbaland weerarkaasi ayaa isku badalay dagaal toos ah oo dhexmaray maleeshiyaadka weerarka soo qaaday iyo ciidanka.

Waxaa lagu soo warramayaa in hotelkaasi ay deganaayeen dad qurbaha ka yimid (Qurba-joog) iyo qaar ka mid ah musharraxiinta doorashada maamulka Jubbaland.

Ilaa iyo hadda lama sheegi karo khasaaraha uu geystay weerarkaasi.

Haddaba goor-dhow kala soco HalQaran.com, faah-faahinta warkaasi.

Xafiiska HalQaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...