Wednesday, May 6, 2026
28.5 C
Mogadishu

Nabaddoon caan ah oo lagu dilay gobolka Baay

Buurhakaba (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee Nabadoon Maxamed Ooye Ibraahim ayaa Talaadadii maanta lagu toogtay, oo lagu dilay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa dhawr xabadood qaybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay Nabadoonka, oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Baay.

Nabadoonka oo caan ka ahaa Degmada Buurhakaba ayaa u geeriyooday rasaastii, ay la dhaceen raggii bastooladaha ku hubeysnaa.

Ciidamada Booliska ayaa waxay wadaan baaritaan ka dhan ah raggii dilka gaystay, oo sidii looga bartayba falkaasi ka dib ay u suurtagashay inay gacanta sharciga ka baxsadaan.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed ayaa waxa uu xaqiijiyay dilka Nabadoon Maxamed Ooye Ibraahim iyo inay baxsadeen kuwii dilay.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxa uu xaqiijiyay inay wadaan baaritaano ballaaran, oo ay ku doonayaan inay gacanta ugu soo dhigaan dembiile-yaashii dilkaasi gaystay.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo dilay Nabadoon Ooye, waxaase soo baxaya warar sheegaya in uu ka mid ahaa Ergadii sanadkii 2016, Xildhibaanada Baarlamaanada Soomaaliya ee Koonfur Galbeed ku soo dooratay Magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...