Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadalkii raaligelinta ahaa ee Madaxweyne JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhawaan u jeediyay shacabka Somaliland.
“Madaxweynaha Soomaaliya imaanaya Somaliland, horta waa hadal heyn, laakin hadal heyntaaba xun, madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi, tallaabo wanaagsan buu qaaday marka uu yiri raalin gelin baan bixinay, laakiin wuxuu ku dilay markuu yiri waan imanayaa Hargeysa,” ayuu yiri Muuse Biixi oo jeedinayay khudbad sannadeedka.
Muuse Biixi ayaa sidoo kale kale sheegay in Soomaaliya ay ka shaqeysay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogo Somaliland.
“Waxaa kamid ah inay dagaal la gasho oo ay xiriirka u goyso dowlad kasta iyo ha’yad kasta oo xurmeyso ama maamusta Somaliland”
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay heshiin karaan waa haddii ay qaddariyaan go’aanka shacabka Somaliland iyo gooni isu taagooda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






