Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Muxuu isku-casilay danjirihii Ingiriiska u fadhiyay dalka Mareykanka?

Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Mareykanka Kim Darroch ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay is casilaaddiisa kaddib markii si hoose loo dusiyay hadallo uu ku aflgaadeynayey madaxweynaha dalka Mareykan Donald Trump.

Danjire Darroch ayaa ku andacooday in ay adagtahay in si caadi ah uu u sii wato shaqadiisa isla markaana wuxuu dalkiisa ka codasaday in danjire cusub ay soo magacaabaan walow muddo xileedka danjire Darroch uu ku egyahay dhamaadka sanadkan 2019-ka.

“Inkastoo uusan booskeyga shaqo uu ku eg-yahay ilaa iyo laga gaaro dhammaadka sanadkan, haddana, waxaan aamisannahay xaaladdan lagu jirto darteed, inaan aqbalo in la soo magacaabo danjire cusub.”

Darroch, waxa uu ahaa dibmulaasi sare oo Boqortooyada Ingiriiska u joogay Washington tan iyo 2016-kii.
Safiirka Ingiriiska ayaa Trump ku eedeeyey in uu yahay qof aan xasillooneyn islamarkaasina aan laheyn wax xirfad ah, shaqo fiicana aysan ka socon aqalka cad.

Madaxweynaha Mareykanaka ayaa safiirka isna dhankiisa ku eedeeyey khibrad xumo iyo in uu gabay shaqadiisa.
Dowladda Ingiriiska ayaa barbar istaag u muujisay safiirkooda inkastoo ay sheegeen in aragtida safiirka aysan ka turjumeynin mowqifka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...