Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Meydka duqii magaalada Muqdisho oo Axadda berri la keenayo iyo Wararkii ugu dambeeyay..

Muqdisho (Halqaran.com) – Sida qorshaha uu ahaa meydka Yariisow ayaa Sabtidii maanta la keeni lahaa Magaaladda Muqdisho si aas qaran loogu sameeyo, waxaana garoonka diyaaradaha ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo xubno kale.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga diyaargarowbay in aas qaran loogu sameeyo Gudoomiyihi Maamulka Gobolka Banaadir & Duqii Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo u geeriyooday dhaawacii 24-kii bishii July ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Guddiga qabanqaabada aaska ayaa warbaahinta u sheegay in la keenayo berri oo ah maalinimo Axad ah, islamarkaana aas qaran loo sameyn doono Guddoomiye Yariisow.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay dib u dhaca meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisow guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...