Tuesday, October 28, 2025
25.8 C
Mogadishu

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid Cali

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin Da’uud, kadib markii ay si qoto dheer u dhageysatay cabashadiisa isla markaana ay daraaseeysay doodda Jawaabta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Maxkamada sare waxay diidday cabashada eedaysanaha, kuna raacday xukunka Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ee soo baxay 15/05/2024.

Eedaysanaha ayaa qirtay inuu si kas ah shidaal ugu gubay ooridiisa, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed, taas oo dhaawaceedii sababay dhimashadeeda.

Go’aankan cadaaladdu waa mid caddeynaya ku dhaqanka sharciyada iyo ilaalinta cadaaladda ee Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Sidee Looga Hortagi Karaa Stress-ka Shaqada?

Sidee Looga Hortagi Karaa Stress-ka Shaqada? Stress-ka shaqada waa arrin caadi ah oo saameyn ku leh dad badan,...