Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida oo Dil toogasho ku xukuntay askar ka tirsan kuwa DFS

Baydhabo (Halqaran.com) – Maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Saddex askari oo ka kala tirsanaa ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa  daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Nabad-sugida.

Laba ka tirsan raggan la xukumay oo lagu kala magacaabo Cabdiwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo Xuseen Cali Macllin Iimaan oo isna ahaa askari ka tirsan ciidamada daraawiishta maamulkaas ayaa ku eedeysnaa in ay si ula kac ay duleedka magaalada Baydhabo ugu dileen Muxyiddiin Maxamed Cabdiraxmaan.

Raggan ayay maxkamaddu sheegtay in eedeymihii loo heystay ay ku caddaatay yihiinna dambiilayaal galay falkaas dilka ah.

Askariga saddexaad ee dilka lagu xuklumay ayaa lagui magacaabaa Cabdiraxmaan Cali Xusseen kana  tirsan ciidamada nabad sugidda Koofur Galbeed ayay maxkamaddu sheegtay in ay ku heshay caddeynta eedeyntii loo heystay oo ahyad in dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed  Cali Maxamed.

Cabdiwaaxid iyo Xusseen ayay maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qeybta 60aad waxay 28-kii bishii Julaay ee sanadkii 2018 ku ridday xukun dil ah, waxayna racfaan  ka qaateen xukunkaas, balse maxkamadda sare oo u fariisatay dacwadooda ayaa iyana ku raacday xukunkii kal hore ay ridday maxkamadda darajada 1aad oo ahaa in dil toogasho ah lagu fuliyo.

Ugu dambeyn, kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa alaaba cambaareeya xukunnada ay maxakmadda ciidamada ku riddo ragga ka tirsan kooxaha xagjirka ah iyo ciidamada dowladda ee geysta falal dambiyeedyada ay ka midka yihiin dilalka bareerka ah.

Xafiiska Halqaran.com, Baydhabo 
Halqarannews@gmail.com