Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa ka biyo diiday liiska guddiga kumeel gaarka ah ee doorashada ee uu todobaadkii tagay magacaabay hoggaamiyaha maamulkaas, Saciid Cabdullaahi Deni.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Karaash ayaa lagu sheegay in talaabadan ay tahay mid aan dastuuri aheyn maadaama xafiiskiisa aan laga talagalinin magacaabista guddiga sidaa aawgeedna uu yahay mid sharci darro ah sida uu qabo dastuurka maamulkaas.
”Qodobka 80-aad faqradiisa 5aad waxay dhigeysaa in madaxweynuhu isaga oo la tashanaya madaxweyne ku xigeenka uu awood u leeyahay in uu magacaabo ama uu xilka ka qaado xubnaha golaha wasiirrada, madaxda hay’adaha madaxa bannaan iyo madaxda kale ee dastuurka ama shuruucda kale u oggolyihiin”, ayaa lagu yiri qoraalka Karaash oo cuskanaya qodobadda dastuurka.
Karaash ayaa qoraalka uu soo saaray ku ogeysiiyay xeer ilaaliyaha, guddomiyaha maxkamadda iyo garyaqaanka guud ee maamulka Putnland in magacaabista GKMG ee doorashooyinka ay tahay mid sharciga baalmarsan
Ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay xafiiska hoggaamiye Deni oo ku saabsan bayaanka uu soo saaray kuxigeenkiisa ee ku aadan magacaabista uu sameeyay
Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa la filayay in la horgeeyo golaha baarlamaanka maamulkaas oo uu ansixiyo hase yeeshee khilaafka haatan soo kala dhex galay labada masuul ayay suura gal tahay in uu wiiqo howlihii guddiga.
Wixii faah-faahin ah ka eeg lifaaqa hoose:-
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com