Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

Maxay ula jeeday dowladda Somaliya in dad laga soo musaafuriyay Kismaayo ay dib ugu celiso?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib Magaalada Kismaayo ugu celisay dad uu Maamulka Jubbaland ka soo musaafuriyay magaaladaasi.

Dadkan ayaa waxaa Magaalada Kismaayo laga soo saaray diyaarad u soo socotay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Maamulka Jubbaland uu dadkaasi u arkay kuwo la safan garabyada kale ee siyaasadeed ee ka jira Kismaayo, kana soo horjeeda maamulkaasa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay ku amartay diyaaraddii dadkaasi keentay Magaalada Muqdisho in ay dib ugu celiso Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Maamulka Axmed Madoobe ku eedeeyay in dadka deegaanka uu guryahooda ka soo barakicinayo, dowladuna ay bilowday in ay dib ugu celiso maamulkii soo barakiciyay.

Xildhibaan Jeesow oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa ku waramaya in Magaalada Kismaayo ay tahay magaalo uu xaalkeedu murugsan yahay, laguna xir xirayo dadka Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Jeesow ayaa sheegay haddii Maamulka Axmed Madoobe uu dadkaasi dilo aanay dowladda maxkamad ku soo taaggi karin, iyadoona uu walaac ka muujiyay tallaabada dadkaasi dib loogu celiyay Kismaayo.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ku qab qabanayay siyaasiyiinta iyo xubnaha ka mid ah garabka is bedel-doonka ee fadhigiisu yahay magaaladaasi.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan Magaalada Muqdisho u soo musaafuriyay dad uu ka soo eryay Magaalada Kismaayo, oo musaafurintoodu ay la xiriirto arrimo siyaasadeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...