Muqdisho(Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.
Magacaabidda Ergeyga Gaarka ayaa muujineysa sida uu Madaxweynuhu mudnaan gaar ah u siinayo abaaraha iyo wax ka qabashada waxyeeladeeda oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba.
Ergeyga Gaarka ah ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha. Ergeyga gaarka ah wuxuu kale oo uu hormuud u noqon doonaa, isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah.
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir wuxuu kamid ahaa musharaxiinta madaxtinimadda Dalka,Sido kale Waxaa xusid mudan in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame shantii sanno ee lasoo dhaafay uu ahaa mucaarad si aad ah unaqdiya Dowladdii maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





