Muqdisho (Halqaran.com)- Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta loo diiday in uu ka safro garoonka Diyaarada magaalada Muqdisho, isaga oo ku wajahnaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur galbeed.
Shariif Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ishor-istaaga Maanta lau sameeyay ay aheyd mid uusan fileyn, isla markaana loo diiday diyaaradii u kireysneyd inay u duusho Magaalada Baydhabo.
Sido kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa eedeyn culus u jeediyey maamulka uu hoggaaminayo Cabdicasiis Lafta Gareen oo ‘bixiyey ‘amarka loogu diido inuu u safro magaalada Baydhabo oo Dhawaan lagu wado in lagu qabto Qaar ka mid ah Doorashada Koraasta Golaha Shacabka ee Maamulkaasi.
Madaxweynihii hore ee KGS Shariif Xasan ayaa lafta-gareen ku eedeyay in uu diyaariyay Ergooyin been abuur ah oo aan hayn kuwii dooran lahaa kursiga uu doonayay, waxaana uu sheegay in boob lagu hayo doorshada, maaddama sida uu sheegay beeshiisu ay isaga la doonayso Kursiga.
Dhinaca kale Dhawaan ayey ahayd markii Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Baarlamaankii 10-aad, Cabdiweli sheekh Muudeey laga hor istaagay in uu ka safro Muqdisho, isaga oo ku wajahnaa Magaalada Baraawe oo ay ka dhaceysay Doorashada kursigii uu hore ugu fadhiyay, waxa uuna doonayayna in uu markale u tartamo Korsigaas.
Musharax Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan ka tirsan musharixiinta mucaaradka ayaa doonayey inuu doonto kursiga beeshiisa ee la siiyay asaga oo deegaan doorashadiisana ay tahay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.