Muqdisho(Halqaran.com) – Allah ha unaxariistee waxaa magaalada Muqdisho Xalay ku geeryooday gaar ahaan xaafadda Wardhiigley Fanaankii weynaa Maxamed Aaden abide oo caan ku ahaa Shamuuri islamarkaana ka tirsanaa Kooxda hoballada Waaberi.
Maxamed Aden Abdiide oo loo yaqiin (Shamuuri) waxa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe waxaa uu fanka ku soo biiray horraantii 70aadka isaga oo ka mid ahaa kooxdii Yogol ee degmada Jowhar oo ay kawada tirsanaayeen isaga iyo fanaankii kale Daauud Cali Masaxaf.
Shamuuri 1975-kii ayuu ka qeybgalay barnaamjikii tartanka Heesaha Hirgalay isaga oo ku soo baxay kaalinta 1aad .
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii waynaa ee Hoboladda Qaranka Waabari oo caawa muqdisho ku geeriyooday.
Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.
Maxamed Adan Shamuuri wuxu ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad u jeclaa, sidoo kale marxuumku wuxu ahaa nin leh dabeecad fiican iyo dad la dhaqan wanaagsan. Ilaahay ha u naxariisto. Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cismaan Abuukar Dubbe
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





