Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxaa ka ogtahay Ajandaha Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee Sabtida Maanta?

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta taariikhduna ku beegan tahay 19-ka bisha Oktoobar 2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka iyo Midka Dabiiciga.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka ,isla markaana ay soo xaadiraan.

Kulankaan ayaa noqon doonaa kulankii 1-aad ee Kalfadhiga 6-aad Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax ku jiray bilihii lasoo dhaafay.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta tooska u furmaayo ayaa waxaa jira Xildhibaanada qaar oo ku kacsan dowladda, qaarkoodna Mooshin abaabulaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...