Wednesday, January 14, 2026
26.9 C
Mogadishu

DEG DEG: Hotelka Naasa-Hablood2 oo booliska la wareegay, ilaaladii joogtayna xiray & Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Zakiya Xuseen, ayaa sheegtay in ay soo xireen dhammaan ciidankii joogay barta kontorool ee uu ka dhacay dilka Maxaadeey Suleymaan oo ahaa taliyihii ururka Gorgor ee Ciidamada xoogga dalka.

Dilka sarkaalkan ayaa dhacay, kaddib is rasaaseyn ka dhacday agagaarka Ex Hotel Naasa hablood 2 iyo nawaaxiga Baar Shabeelle ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in askar loo soo qabtay kiiska dilka sargaalka.

“Dhammaan ciidanka joogay barta koontorool ee uu ka dhacay falka waxay ku jiraan gacanta ciidamada booliska” ayay tiri taliye Sakiya.

Taliska ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadaan baaritaan ku aaddan dilka sargaalkan.

Maxaadeey ayaa ka mid ahaa saraakiishii sar-sare ee hoggaaminaysay dagaalkii ay ciidamadu dowladda kula wareegeen deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay muddo gacanta ku hayeen kooxda al-shabaab.

Illaa hadda si cad looma oga sababta Ciidamada ilaada Hotelka Naasa Hablood 2 ay rasaasta ugu fureen gaarigii uu watay Taliyahan ugu dambeyna geeriyooday.

Ugu dambeyn, Hotelka Naasa Hablood 2 ayaa waxaa iska leh Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...