Muqdisho (Halqaran.com) – Xabsiga Godka Jilicow ee Hay‘adda Nabad Suggida Soomaaliya ayaa wali si caadi ah u shaqeeya, inkastoo dowladda Soomaaliya horay u shaacisay in la xiray xabsigaasi, kadib cabasho shacabka iyo Hay‘addaha Xuquuqda Aadanaha ka soo yeertay.
Warbaahinta Halqaran.com ayaa ogaatay xabsigan inuu si caadi ah u shaqeeyo, isla markaana maxaabiista ay soo qabtaan Ciidanka dharcadka Gobolka Banaadir lagu xiro.
Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in xabsiga lagu xiro xubnaha Al-Shabaab ka tirsan ee Ciidamada Sirdoonka soo qabtaan iyo shaqsiyaadka lagu eedeeyo Shabaabnimada,
Xogtaan ayaa sheegaysa in Xabsiga Godka Jilicow oo dowladda ay sheegtay in loo bixiyay Akadeemiyada Jilicow wali qaybtii Xabsiga sideedii ay ku shaqeynayso.
Xabsigaan waxaa ku dhex yaala qolal si naxariis daro loogu xiro maxaabiista oo lagu cadaado, waxaana qolalkaasi ka mid (Qolka Sheelada).
December 16, 2018 xaflad ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirada Cadaaladda iyo Amniga ee DF ayaa si rasmi ah loogu xiray xabsiga godka Jilicow, iyada oo la shaaciyay in loo bedelay akademiyadda Jilicow, oo lagu tababari doono NISA.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa xabsigan si toos ah ugu shaqeeya, iyadoo maxaabiista lagu xiro sida aan ka ogaanay maxaabiis xabsigaasi lagu soo xiray, oo dib xoriyadooda u helay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com