Maxaa ka jira in ciidamda Uganda ay ka cabanayaan Mushaar la’aan Todobo Bilood ah? (Ogow Xaqiiqda!)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Militariga Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxay ka cabanayaan mushaar la’aan.

Jariirada New Vision oo ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer dalka Uganda ayaa maanta tebisay in muddo toddobo bilood ah aanay wax mushaaraad ahi qaadan Ciidamada Uganda.

Sida ay tebisay New Vision lacagta ka maqan Ciidamada UPDF ee ku sugan Somaliya uu cadadkeedu gaarayo 52 bilyan oo shilinga Uganda ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda iyo Saraakiisha Ciidamada Militariga ayaan weli arrintan si rasmi ah uga hadlin waxa keenay inaanay muddo intaa le’eg ciidamadoodu qaadan mushaarka.

Uganda waa dalka ugu badan ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ka jooggaan dalka Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com