Sunday, May 10, 2026
28.1 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in ciidamda Uganda ay ka cabanayaan Mushaar la’aan Todobo Bilood ah? (Ogow Xaqiiqda!)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Militariga Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxay ka cabanayaan mushaar la’aan.

Jariirada New Vision oo ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer dalka Uganda ayaa maanta tebisay in muddo toddobo bilood ah aanay wax mushaaraad ahi qaadan Ciidamada Uganda.

Sida ay tebisay New Vision lacagta ka maqan Ciidamada UPDF ee ku sugan Somaliya uu cadadkeedu gaarayo 52 bilyan oo shilinga Uganda ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda iyo Saraakiisha Ciidamada Militariga ayaan weli arrintan si rasmi ah uga hadlin waxa keenay inaanay muddo intaa le’eg ciidamadoodu qaadan mushaarka.

Uganda waa dalka ugu badan ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ka jooggaan dalka Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...