Monday, March 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

DEG DEG + XOG CUSUB: Mukhtaar Roobow oo laga saaray Xabsigii uu ku jiray (Halkeese la geeyay?)

Mukhtaar Roobow oo ka qeybgalaya Shirka magaalada Baydhabo, November 4, 2018. REUTERS/Feisal Omar/File Photo

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar ay heleyso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) la sheegay in laga soo saaray xabsiga Xarunta Hay’adda Nabad sugidda Qaranka NISA oo ku yaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow la geliyey xabsi guri, lana dejiyay dhisme ku yaala agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay ku ilaalin doonaan ciidanka Nabad sugida.

Ehellada Mukhtaar Roobow ayaa horey walaac badan uga muujiyey arintan, iyagoo sheegay in haddii xabsi guri la geliyo laga yaabo iney beegsadaan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu muddooyinkan la ildarnaa xannuuno kala duwan oo haleelay, iyadoo dhowr jeer laga saaray xabsiga, lana dhigay Isbitaal.

Waxay aheyd, bartamihii bishii Decembar ee sanadkii hore, markii  Mukhtaar Roobow laga soo xiray magaalada Baydhabo, waxaana xarigiisa ka dambeysay dowladda uu madaxweyne ka yahay Farmaajo oo u adeegsatay ciidamada Itoobiya, kaddib markii uu diiday inuu ka laabto Musharraxnimadiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dowladda Soomaaliya ay si weyn uga soo horjeeday.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...